Foolxumooyinka Shirkiga waxa ka mid ah in uu yahay dembiga kaliya oo uusan Illaahay dhaafeyn haddii qofku ku dhinto. Ilaahay Kitaabkiisa waxa uu ku yiri:
``Illaahay ma dhaafo haddii loo shariik yeelo; laakiin wixii shirki ka soo hara Ilaahay waa uu dhaafaa qofkii uu doono. Qofkii Ilaah u Shariik yeela waxa uu ku dhacay dembi aad u weyn ``suradda Nisaa,48.